Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya oo ka Wada Hadlay Xeritaanka Xerada Dhadhaab iyo Howlgalka Amisom.

0

Madaxweynaha wadanka mareykanka Barack Obama iyo madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay markIi ugu horeysay xiritaanka xerada qaxootiga ee ddhadhaab iyo xaalada nabad gelyada wadanka soomaaliya.

Labada madaxweyne oo kuwada hadlkay qadka taleefanka ayaa waxa ay wada hadalkooda diirada ku sareen go’aanki dowlada Kenya dhawaan ku sheegtay in ay ku xireyso xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Qaxooti badan oo Soomaaliyeed.

Barack Obama ayaa u soo jeediyay dowlada Kenya in aysan ku deg degin dib u celinta Qaxootiga islamarkaana waxa uu  ka codsaday madaxweynaha Kenya in dowladiisa ay xaqdhorta xaquuqda qaxootiga aduunka.

Sidoo kale Barack Obama ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in Kenya ay ka gacansiiso la dagaalanka al shabaab iyo sidoo kale taageero dheeri ah uu tilmaamay in dowladiisa ay siineyso howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Dhanke kale madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku wargeliyay madaxweyne obama in Kenya ay go’aan satay dib u celinta qaxootiga inkastoo uusan carabaabin in waqti u kordhin ay u sameynayaan Qaxootiga.

Todobaadki ugu danbeeyay waxaa arimaha dib u celinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool Kenya ka wada hadlay xogyaha yaha guud ee Qaramada midoobay iyo madaxweynaha wadanka Kenya iyadoona Ban Ki-Moon uu u sheegay madaxweynaha Kenya in loo baahan yahay in Kenya ay ixtiraamto xaquuqda Qaxootiga kunool dalkeeda.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here