Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada dalka ee ka qeybgalaya Shirka Madasha Wada tashiga Qaran ee ka socda Magaalada Baydhba in aysan danahooda ka eegan arimaha looga hadlaayo shirka,Muhiimaddana ay siiyaan danaha guud ee uu xambaarsanyahay shirku.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorka beesha Caalamku Soomaaliya ay ku leedahay ay tahay oo kaliya taageeridda go’aamada ay gaaraan Madaxda Soomaalida Go’aanka Dalka iyo Masiirka Ummadda Soomaaliyeedn go’aaminta iyo aaya ka talintoodana aysan waxba ku lahayn Beesha Caalamka sidaa awgeedna hogaamiyayaasha Maamulada dalka looga baahanyahay in ay wax walba ka eegaan danta Ummadda Soomaaliyeed.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Maanta Maalintii 2-aad uu Magaalada Baydhabo ka soconayo Shirka Madasha Wadatashiga qaran ee looga hadlaayo arimaha Doorashooyinka Dalka,waxaana shirkaan uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu dambeeya ee looga hadlaayo arimaha doorashooyinka,waxaana dhawr Mar Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya lagu qabtay shir la mid ah midkaan waloow aysan kasoo bixin Natiijo wax ku ool ah oo la taabankaro.

