Faah-faahin Ku Saabsan Madfaca Galabta ku Dhacay Xero Ruush Degmada Hodan+Dhageyso

0

Inta la xaqiijiyay 1-qof oo cunug yar ahaa ayaa ku dhintay 6-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii madfac aan la ogeyn meesha laga soo tuuray uu galabta ku dhacay xero ruush oo ku taala degmada Hodan  oo ay dagan yihiiin dad shacab ah.

Qof kamid ah dadka xero ruush  ku nool oo lagu  Magacaabo Abuukar Xaaji Cali  oo la hadlay idaacada simba ayaa ka warbixiyay qasaaraha uu geystay madfaca  kusoo  dhacay Galabta  xerada.

“ Cunug yar oo dugsi laga soo daayay ayaa ku dhintay 6-qof oo kale oo xerada ku nolaa ayaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa hada ma sheegi karno halka laga soo tuuray madfaca ayuu yir Abuukar Xaaji Cali   oo kamid ah dadka ku nool xero ruush.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here