Booliska Kenya oo Sheegay in ay Xireen Rag lagu Tuhunsanyahay in ay ka Tirsanyihiin Al-shabaab

0

Hawgalkaan dadka lagu soo qab qabtay  oo Booliska Kenya ay ka sameeyeen degmada Kwale ayaa waxaa ay ku sheegeen in uu qayb ka yahay hawlgalo lagu baacsanayo rag xiriir la leh Xarakada Al-shabaab oo dilal ka geystay degmadaas iyo deegaano kale.

Booliska ayaa waxaa ay tilmaameen in hawgal horay looga fuliyay isla degmadaan lagu dilay 2 nin halka 4 kalana gacanta lagu soo dhigay kuwaas oo ay sheegeen in dhamaantoodba lagu tuhunsanyahay in xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Hawgalkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii 4 ruux oo ka tirsanaa Hogaamiyaasha Bulshada rayidka lagu dilay degmadaas horaantii bishaan June sanadkaan 2016-ka.

Taliyaha Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay hawgalkaan waxaana uu sheegay in uu socondoono illaa iyo laga xaqiijinayo ammaanka kooxaha falalka amni darada ku lug lehna laga nadiifinayo degaanadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here