War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in uu jiro walaac ku aadan in doorashada la filayo in bisha August ee sanadkaan ay ka qabsoonto Somaliya ay noqoto mid aysan si isku mid ah uga qayb qaadan doonin qabaa’ilada Somaliyeed , sidoo kalana waxaa ay sheegtay Qaramada Midoobay in xarakada al-shabaab-na ay tahay Qatar kale oo ay ka wal wal qabaan in ay saamayn ku yeeshaan Doorashada.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Amb:Michael Keating, ayaa sheegay in ay jirto caqabado badan oo ku wareegsan hanaanka Doorashada ee lagu wado sanadkaan in ay ka qabsoonto Somaliya.
Michael Keating ayaa intaas ku daray in doorashada sanadkaan ay tahay mid aad u xadidan oo ay ka qayb gelayaan 14,000 qof oo kaliya kuwaas oo wakiil ka noqonaya shaacabka Somaaliyeed oo lagu qiyaaso in uu yahay 12-milion iyo in ka badan,balse waxaa uu xusay in ay ka wanagsantahay Doorashadii 2012-kii taas oo ay ku luglahaayeen wax ka yar 130-qof

