Dhageyso: Maamulka Tv-ga Universal ayaa ka Warbixiyey Mas’uuliyiin ka Tirsan Tv-ga oo ay xirtay dowladda

0

Maamulka Tv-ga Universal ayaa ka Hadlay xariga loo geystay qaar kamid ah wariyaasha  iyo agaasimihii Bariga iyo Bartamaha Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho

Weriye Cagma-dhige oo kamid ah Maamulka Tv-ga Universal ayaa ku eedeeyay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka in aysan u soo marin xariga Maamulka  Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho si sharci ah

Cagma-dhige ayaa ka Dalbaday Madaxda dowlada iyo wasaarada warfaafinta dowlada soomaliya in dib u eegis lagu sameeyo xariga loo geystay agaasimihii Tv-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha c/laahi Kulmiye iyo wariye cawil daahir Salaad

shalay ayay aheyd markii ciidamo ka Tirsan kuwa Nabad Sugidda ay xireen qaar kamid ah Maamulka Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho

Halkaan ka dhageyso codka 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here