Maxkmad ku taala Magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka ayaa lasoo taagay nin ku eedeysanaa inuu doonayay in uu dilo murashaxa xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninkaan oo lagu magacaabo Micheal Sandford uu qirtay dambigaas, iskuna dayey inuu qori ka dafo askari ku sugnaa goob uu qudbad ka jeedinaayay Musharax Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in Micheal Sandford uu ahaa qof maxkaxda loogu jiro oo Caafimaad ahaan aan wanaagsaneen.
Musharaxa xisbiga jamhuuriga ee dalka mareykanka, Mr Donald Trump ayaa qudbadaha uu jeediyo waxaa ku jira hadalo dadka qaar ka careysiiya iyadoo qudbadiisa ugu dambeeysay uu jeediyay uu ku sheegay In dadka Soomaliyeed ay yihiin kuwa ugu badan ee ku biira Ururka Daacish.

