Amisom oo ku Baaqday in La Taageero Qaxootiga Somaaliyeed Meel Walba ay Joogaan

0

Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray xarunta hawgalka Amisom oo lagu soo beegay maalinta Qaxootiga aduunka ee 20-june ayaa Caalamka dhan loogu baaqay  in ay u istaagaan Taageerida Qaxootiga Somaaliyeed ee  ku dhibaataysan meelo badan oo dunida ka mid ah.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Somaliya ahna  madaxa howgalka Amisom ee Somaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa ka codsaday dawladaha Africa iyo kuwa Caalamka inay qaadaan tilaabooyinka laga maarmaanka ah ee loo baahanyahay in la qaado si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta Qaxootiga.

Warsaxaafedeed  kasoo baxay Xafiiska Ambassador Madeira oo ah wakiilka midowga Africa ee Somaaliya ayaa lagu  sheegay in malaayiin qof oo Somalia ah lagu qasbay in ay Guryahooda ka cararaan islamarkaana ay qaxaooti ku noqdaan Qaarada Africa iyo qaybo ka mid ah Wadamada Caalamka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here