Wafdi ka Socda Qaramada Midoobe oo Gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka Galmudug

0

Wafdi ka socda Qaramada Midoobe ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimada ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug ee Cadaado.

Wafdigaan oo uu hogaaminyay JOAKIM KLANG oo kamida saraakiisha qaramada Midoobay uga wakiilka ah hirgalinta doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya ayaa ujeedka socdaalkoodu yahay inay u kuurgalayeen isla markaana qiimeyn ku sameeyaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo xaaladaha ammaanka.

Labada dhinac ee qaramada Midoobe iyo Maamulka Galmdudug ayaa kawada Hadlay arrimaha Doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka iyo taageerida ay Qaramada Midoobe siinayso Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wafdiga ka socday Qaramada Midoobe ayaa kormeer ku tagay goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka baarlamaanka heer federaal islamarkaana waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in si wanaagsan loo dardar galiyo doorashooyinka oo dhawaan lafilayo in ay deegaanada Galmudug ka qab soomaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here