Qaramada Midoobe oo Sheegtay in Qaxootiga Aduunku uu Hadda Gaaray Heerkii ugu Xumaa

0

Tirada dadka ku barakacay khilaafka iyo kuwa Qaxootiga ku ah aduunka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay sida ay tilmaantay laanta Qaxootiga u qaabilsan Aduunka.

Hay’ada ayaa sidoo kale waxa ay xustay in 65.3million  oo qof ay noqdeen qaxooti,magan gelyo doon ama dad gudaha ku barakacay sanadii 2015-kii sanadkaana waxaa la sheegay in tiradaas ay ku siyaaday dad gaaraya 5-million.

UNHCR ayaa waxa ay shaaca ka qaaaday in kala bar in ka badan ay dadkaan kasoo jeedaan wadamada ay dagaaladu aafeeyeen ee Syria, Afghanistan iyo Somaliya,

Warbixin sanadle ah oo Qaramada Midoobe ay ku soo beegto maalinta Qaxootiga aduunka ayaa waxaa ay ku sheegtay in sanadkaan qaxootigu uu kor u dhaafay 60 milion oo qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here