Ciidamada Dowlada oo Howlgal Lagu Soo Qabtay Muqaadaraadka ka Sameeyay Deegaanka Garasbaaley

0

Howlgalkaan ayaa Ciidamada Dowlada Soomaliya waxa ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Muqdisho gaar  ahaan Tabeelaha Shiiq ibraahim

Ciidamada ayaa  howlgalkooda si gaar ah ugu sameenayay goobaha Ganacsi ee  lagu iibiyo waxyaabaha maan dooriyaha ayaa intuu soconayay Howlgalka ciidanku kusoo qabqabteen 11 iyo toban qof oo aan ku jirin wax dumar ah balse ka Ganacsanayay Muqaadaraadka Nuucyadiisa kala duwan.

Maamulka deegaanka Garasbaaleey oo aan la xiiriinay ayaa idaacada simba waxa ay u sheegeen in meelaha howlgalada ay ka fuliyen uu ahaa meelo bartilmaameed u ahaa Ciidanka islamarkana shacabka deegaankaas ay kusoo wargaliyeen.

Gudoomiye ku-xigeenka deegeenka Garsabaaley Mudane Cali Xasan Cali  ayaa Idaacada simba ee Magaalada Muqdisho uga warbixiyay howlgalka sida uu u dhacay.

Sidoo kale Gudomiye ku-xigeenka deegaanka Garasbaaley  oo sii  hadlaya ayaa tilmaamay in ragaan laqabtay ay ugudbiyen saldhiga Galbeed si loo marsiiyo sharciga isagoo sheegey in howlgalka lagu bacsanayo dadka ka ganacsada Muqadaraadka iyo dadka iibsadaba ay sii socon donaan.

Dowalada Somaliya ayaa horay ugu dhawaqday in Cadadaalada la horgeyn doono Cidkasta oo lagu soo qabto iyadoo iibineysa ama iibsanaysa waxyabaha maanka dooriya.

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here