Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xubno ka tirsan 43-kii Dhalinyaro ee shalay dilka lagu xukumay, inaysan qaarkood qaangaarin.
C/laahi Xersi Ciid, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobolada Nugaal iyo Sool, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maxkamada la horkeenay 45-dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab-kii dhawaan soo weeraray xeebaha deeganada Puntland islamarkaana ay maxkamada xukun dil toogasho ah ku xukuntay 43-dhalinyaro ah halka ay maxkamada aysan xukumin 2-dhalinyaro ah sababo la xiririira in ay yihiin kuwo aan qaangaar aheyn.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobolada Nugaal iyo Sool, ayaa ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn wararka warbaahinta iyo ururada u dhaq-dhaqaaqa Xaquuqda Caruurta kasoo yeeray ee ku aadan in Puntland ay xukuno dil toogasho ay ku xukuntay caruur aan qaan gaarin.
Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Darajada Kowaad ee Ciidamada Puntland ee Gobolka Sool iyo Nugaal ay xukuno dil toogasho ay ku xukuntay 43-dhalinyaro oo ku adeeysnaa in ay ahaayeeyn shabaab-kii soo weeraray xeebaha deeganada Puntland Bishii Maarso aynu soo dhaafnay.

