Xarakada Al-shabaab oo Lagu Eedeeyay Askareynta Caruurta Yar Yar

0

Warbixin ay soo saartay Hay’ada Caruurta Qaramada Midoobe u qaabilsan  ee UNICEF ayaa lagu sheegay in Al-shabaab  ay bartilmaameed ka dhigteen carruurta yar yar iyagoo u adeegsanaya askareyn.

Madaxa isgaarsiinta hay’adda Unicef Susannah Price oo wareysi gaar ah siiyay Voa-da  ayaa tilmaamtay in Al-shabaab ay caruurta u balanqaadaan Cuno,  Lacag iyo waxyaabo kale iyagoo ujeedkooda uu yahay in ay dagaal galiyaan.

“Tani waxaa Xaalad aad u adag  way korortay Tirada Caruurta ay Al-shabaab u qorteen Askarnimada, waan ognahay in al-shabaab goobaha ay la wareegaan ay caruurta ka qafaashtaan iyagoo u adeegsada dagaalada, waxay u balanqadaan In ay siin doonaan Lacago, iyo kis yar oo raashin ah, caruurta ugu badan waxay ka qortaan xeryaha Qaxootiga “. Ayay tiri  Susannah Price.

Mudooyinkii aynu soo dhaafnay ayay sheegtay Mrs Susannah Price in qiyaas ahaan 2,000  ilaa 3,000 oo caruur ah ay Al-shabaab u qorteen askar ahaan  kuwaasi oo da’dooda ay ka yar tahay 9-sano.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here