Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada Sheekh Max’med Maxamuud Cali oo “Dulyadeyn” ku magac dheeraa.
Bayaanka kasoo baxay Xarakada al-shabaab ayaa loogu hadlay goobta uu ku dhashay, qaabka uu kusoo galay Xarakada al-shabaab iyo al-shabaab goobaha uu u qaabilsanaa.
Bayaanka Al-shabaab ayaa sidaan u qornaa:-Sheekh Max’med Dulyadeyn ayaa ku dhashay magaalada Gaarisa ee dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato sanaddii 1966 kuna beegneed 1387 Hijriga.
Sheekha ayaa waxbarashadiisa kusoo qaatay wadanka Suudaan isagoo ka qalin jabiyay kuliyadda shareecada ee jaamacadda magaalada Al-khartuum.
Sagaashameeyadii ayuu sheikh Dulyadeyn ku biiray Jihaadka bariga Afrika gaar ahaan soomaaliya isagoo qeyb ka ahaa culimadi lagu furay mucaskarkii Kaambooni ee uu madaxda ka ahaa Sheekh Xasan Turki.
Dulyadeyn ayaa ahaa caalim ay saaxada Jihaadka Soomaaliya iyo Kenya ka markaati kacayso. 20 sano wax ka badan ayuu noloshiisa ku qaatay u gargaaridda diinta islaamka isagoo marna ahaa daaci marna ahaa hoggaamiye Mujaahid ah oo kaalin weyn ka qaatay la dagaalanka ciidamada Itoobiya iyo Kenya.
Dowlada Soomaliya ayaa dhawaan xaqiijiysay dhimashada Sheekh Max’med Maxamuud Cali Dulyadeyn oo kamid ah Hogaamiyaasha al-shabaab kadib weerar lagu qaaday saldhig uu ku sugnaaa oo ku yaala Gobolka Jubooyinka.

