Candreva:- Ciyaartooda Juventus Waa kuwa ugu Saameynta Badan Xulka Talyaaniga

0

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Lazio Antonio Candreva ayaa amaan usoo jeediyay xidigaha kooxda Juventus isagoo ku tilmaamay kuwa ugu saameynta qaranka talyaaniga ciyaaraha Uero 2016.

Xulka Azzurri ayaa guul ku furtay ciyaaraha Uero 2016 kadib markii 2:0 ay kaga guuleysteen xulka dalka Belgium.

Antonio Candreva ayaa sheegay in xidigaha Gianluigi Buffon  oo goosha qabta iyo xidigaha daafacyada ka ciyaara ee Andrea Barzagli, Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini, in ay yihiin kuwa saameyn badan ku leh xulka dalka Talyaaniga iyagoo sidoo kale kawada Tirsan kooxda Juventus.

Candreva, ayaa 16-kulan kasoo muuqday kooxda Magaalada Turin ka dhisan kadib markii uu amah kaga yimid kooxda Udinese 2010-kii wuxuuna amaan sidoo kale usoo jeediyay macalin Massimiliano Allegri oo Juventus u suurta galiyay hanashada koobkii 5-aad oo xiriir Horyaalka dalka talyaaniga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here