Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada dilka Gudoomiyihii Hore ee Arrimaha Bulshada degmada Dharkinley Cabdullaahi Ibraahim (Isbiimo) oo hada ahaa Agaasimaha Kormeerka degmooyinka Gobolka Banaadir.
War lagasii daayay Idaacadda Andalus ee afka Xarakada Al-shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in ciidanka gaarka ah ee Al-shabaab ay dileen Cabdullaahi Ibraahim (Isbiimo) oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin inta badan dagaalka kula jira Al-shabaab.
Maamulka Degmada Dharkinley ee Dowlada Soomaliya aynu la xairiirnay ayaa ka gaabsaday ay ka hadlaan dilka loo geystay Cabdullaahi Ibraahim (Isbiimo) oo hada ahaa Agaasimaha Kormeerka degmooyinka Gobolka Banaadir.
Degmada Dharkinley ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dilalka loo geysanayay shaqsiyaadka ka Tirsan Dowlada Soomaliya.

