Waa Kuma Dr Abdinaasir Abdille Mahamed Mushrax Madaxweynaha Xisbiga Gurmad+Dhageyso

0

Dr C/naasir Abdille Mahamed oo ah Musharaxa Xisbiga Gurmad  Doorashada Madaxtinimo ee Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka ayaa waxaan idin soo Gudbin doonaa Taariikhdiisa Nololeed:-

  • Wuxuu ku dhashay Gobolka Galgaduud degmada Cabudwaaq sanadkii 1970
  • Wuxuu dugsiga Hoose dhexe iyo sare ku qaatay Magaalada Muqdisho
  • Dugsiga dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay Magaalada Nairobi Kenya
  • Wuxuu Degree ka diyaariyay kuliyada Political science (Cilmiga siyaasada) jaamacada North Carolina ee dalka Mareykanka.
  • Sidoo kale wuxuu Degree ka wataa Cilmiga Zoology and Genetic (Cilmiga Xayawaanka iyo Hidosidaha)
  • Wuxuu kasoo shaqeeyay Machadka Caalamiga ah ee Cilmiga Caafimaadka (Health Science)
  • Sidoo kale wuxuu dib ugu diyaariyay Jaamacada North Caroline Cilmiga Dhaqtarnimada asagoo ku taqasusay Doctor of Dental Surgery (DDS)
  • Wuxuu madax ka yahay goobo badan oo caafimaad oo ku yaala Gobolka North Caroline ee dalka Mareykanka (Mahamed and Foulkes Co)
  • Sidoo kale waa nin Ganacsade ah
  • Wuxuu Xiriir Joogto ah  la lahaa dalkiisa hooyo ee Soomalia isagoo markasta imaan jirey waxbadan oo samafal ahna wax ka qabtay
  • Wuxuu ka qeyb qaatay sidoo kalana caawiyay isbitaalo iyo jaamacado wadanka Gudihiisa ah
  • Wuxuu si dhaw ula socday dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Soomalia
  • Wuxuu kamid yahay musharaxna u yahay Xisbiga Gurmad oo ay ku bohoobeen Waxgarad iyo Aqoonyahno Soomaliyeed.

      Mahadsanidiin

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here