Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ay horey u lahaayeen Ciidamada Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaala Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan.
Taliska ay ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom ay la wareegeen ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen muddooyinkii dambe ciidamada Xarakada Al-shabaab iyadoo sidoo kale saraakiil u hadashay dowlada ay sheegeen in taliska uu ahaa goobtii laga soo abaabulay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhiga Halgan oo Ciidamada Ethopia ay ku sugan yihiin.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada dowlada Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom ay deegaanka Yasooman la wareegeen iyagoo aysan la kulmin wax iska caabin ah.
Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan ayaa isku xira Deegaanada Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, ee Gobolka Hiiraan.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Al-shabaab ay kaga hadlayaan arintaan la wareegitaanka.

