Dacwada dhinaca badda ee u dhaxaysa Dowladaha Somaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in bisha September ee sanadkaan ay ka bilaabato Maxakamada cadaalada ee ku taala magaalada Heeg ee dalka Netherland.
Maxkamada ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dhageysiga dacwada u dhaxaysa Dowladaha Somaliya iyo Kenya ay bilaabanayso 19 september ayna socon doonto illaa iyo 23 ,maxkamada ayaa waxa ay sheegtay in lagu bilaabi doono wakiilada ka socda dalka Kenya islmarkaana 2 maalin lasiinayo oo lagu dhageysto doodooda, Somaliyana waxa ay qaadan doontaa 2-da maalin ee ugu dambaysa si dhankeeda ay usoo gudbiso doodeeda.
Sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-kii dawlada Kenya ayaa waxa ay sheegtay in uu jiray heshiis u dhaxeeyay labada dawladood oo ay ku xalinayaan muranka u dhexeeya.
Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa waxa uu sheegay in uu ka digayo in dacwadaan ay qalqal galin karto taageerada Kenya ay siiso Somaliya.

