Maamulka Gobalka Gedo ee dowlada Soomaliya ayaa Soo dhaweyey tilaabadii Dowlada Soomaaliya ay ku xirtay Diyaarad Raashin Dhacay u siday Gobalka Gedo taasi oo Booliska Soomaaliyeed qabteen xili ay ka duuli rabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq (Al-qaadi) oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay inay soo dhaweynayaan tilaabadii Ciidamada Booliska Dowlada soomaaliya ay ku hor istaageen Diyaarada ay leedahay Ha’yada Cuntada Aduunka magaceeda loo soo gaabiyo WFP islamarkaan siday Raashin iyo Agabyo kale oo daawo ay ku jirto oo ku Wajahneyd Degmada Garbahaarey .
Mudane Al-qaadi oo sii hadlayey ayaa Dowlada ka dalbaday in Cadaalada la horkeenyo Dadkii ku lugta lahaa Cuntooyinka dhacay ee loo waday Gobalka Gedo taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid loogu talo galay in lugu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo oo la daala dhacaya Sameyntii Abaaraha iyo Colaada Mudada ka jirta Degaanada Gobalka Gedo gaar ah degmada Baardheere iyo deegaanada ku Xeeran.
“Dowlada Soomaaliya wax ay qaaday Tilaabo Taariikhi ah oo ay ku badbaadineyso Shacabkeeda waxa ayna Gudatay Waajib saaran oo ah ilaalinta Shacabkeeda waan soo dhaweynaynaa tilaabadaas waxaana kala Shaqeynaynaa Dowlada Dabagalka Shaqsiyaada ku talo galay inay Bulshada Soomaaliyeed tabaalaysan ay sii dabar gooyaan ayaga oo adeegsanaya Qiyaanooyin aan la dareemi Karin oo ah qaab Samafal”ayuu yiri Al-qaadi.
Shalay ayey aheyd Markii Ciidamada Booliska Somaaliyeed ay Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku qabteen Diyaarad ay leedahay Ha’yada Cuntada Aduunka ee WFP taasi oo baaritaan Taliska Waaxda Canshuuraada Soomaaliya ay Ogaadeen inay sido Cunto Raashin u badan iyo Agabyo kale oo dhacay loona waday Degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo.

