4-qof oo Dad Shacab ah oo Lagu Dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay deegaan la yiraahdo Golaley ku dileen 4-qof oo dad shacab ah iyagoo sidoo dhaawacay 5-kale.

Dilka Afartaan ruux ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo aanan la garaneyn, waxaana ay weerareen goob ay dadkaan ku sugnaayeen, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan Afar ruux, sida ay dad ku nool deegaanka u sheegeen idaacada simba.

Dilalkaan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayaan arimo ku aadan aanooyin qabiil, inkastoo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ee dowlada Soomaliya  uusan ka hadlin arintaasi, ka dhacday deegaanka Golaley.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here