Kooxo Hubeysan ayaa caawa xiligii afurka waxa ay haweeney ku dileen xaafada Maana Booliyo oo ka tirsan degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Haweeneyda la dilay oo Magaceeda lagu sheegay Saynab ayaa la sheegay In ay aheyd Gudoomiye waaxeed ka Tirsan Maamulka Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir sida ay goob-joogayaal u sheegeen idaacada simba.
Labo wiil oo bastoolado watay ayaa la sheegay in ay haweeneyda ku weerareen hoygeeda oo ku yaala xaafada Maana Booliyo oo ka tirsan degmada Shibis waxayna durbadiiba ay ku gooriyootay goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidamada Amaanka dowlada Soomaliya ayaa goobta gaaray iyagoo ka sameeyay Howlgalo lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay falkaan lagu qaarijiyay haweeneyda.

