Dabley hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay qarax bambaano ku tuureen hoyga uu Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed uu ka degan yahay Degmada luuq ee Gobolka Gedo.
Xildhibaanka oo maalmahaanba booqasho ku joogay Degmadaasi, ayaa waxaa xalay hoygiisa lagu weeraray qarax loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro, xilli uu ku sugnaa.
Hoyga Xildhibaanka oo ku yaala xaafadda Jazeera ee Degmada Luuq, ee Gobolka Gedo ayaa waxaa qaraxii lagu weeraray ku dhaawacantay laba ruux, oo middi ay tahay Xaaskiisa.
Xiriiro aynu la sameenay xildhibaanka ayaan inoo suurta galin in aan qadka Taleefanka aan ku helno waxaana jirin cid wali si rasmi ah u sheegtay Mas’uuliyada Bamka xalay lagu weeraray Hoyga Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed.

