Madaxweyne Uhuru Kenyata oo Kulamo La Qaatay Safiirada Wadamada Yurub u Fadhiya Wadanka Kenya

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada dalkaas inta badan safiirada Wadamada Yurub u fadhiya wadanka Kenya.

Kulanka ayaa intiisa badan loogu hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada Qaxootiga Dhadhaab, madaama dhawaan dowladaha Kenya, Soomaliya, iyo hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobe UNHCR ay heshiis ku gaareen dib u soo celinta Qaxootiga.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa safiirada u sheegay in dib u celinta Qaxootiga Somalida ee ku sugan wadanka Kenya ay tahay mid sharaf leh waxaana uu yiri “Wadamada Yurub waxa muhiim ah inaanu ka wada shaqayno sidii Qaxootiga Somalida ah dib u dejin loogu Sameyn lahaa”.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here