Booliska dalka Kenya ayaa ugu baaqay Muwaadiniinta dalkaas in ay aad uga digtoonaadaan Weeraro qorshaysan oo Xarakada Alshabaab ay soo qaadi karaan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Joseph Boinnet,oo ah Taliyaha Ciidamda Booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in meelaha ugu horeeya ee Al-shabaab ay soo weerari karaan ay ka midyihiin deeganada kuyaala Xuduuda dalka Kenya uu laleeyahay dalka Somaliya.
Joseph Boinnet,oo la hadlayay Wakaalda wararka ee Xinhua ayaa sheegay in Al-shabaab ay si dhuumaalaysi ah kusoo geli karaan Magaaloyinka Mombasa, Malindi iyo Nairobi, sidaa darteed waxa uu tilmaamay in uu usoo jeedinayo dadka ka shaqeeya Gaadiidka dadweynaha, Hotelada, iyo dadka kale ee illaalooyinka ka ah goobaha muhiimka in ay aad u taxadaraan.
Taliyaha ayaa sheegay in uu ka codsanayo dhamaanba dadka degan degaanada xadka ku yaala ee Gobolka Woqooyi bari dalka Kenya in ay aad u feejignaadaan lanashaqeeyaan hay’adaha Ammaanka si looga hortago in weeraro ay soo qaadan xubno ka tirsan Al-shabaab.
Boinnet ayaa qiray in Xarakada Alshabaab ay soo qaadeen weeraro usbuucyadii lasoo dhaafay kuwaas oo ay ka geysteen Magaalooyinka Mandera iyo Wajeer inkastoo oo uu sheegay in ay iska caabiyeen.

