Joe Kibet:- Ciidamada Amisom Way ka Bixi Doonaan Garoonka Stadium Muqdisho

0

Taliska Amisom ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ka bixi doonaan dhawaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho  oo haatan Fariisin u ah Ciidamada Uganda.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ee  Soomaaliya Jooga Joe Kibet oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda ay dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan ay kaga bixi doonaan Garoonka, kadib markii Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ay dalbatay in dib loo howlgaliyo Garoonka Muqdisho Stadium.

“Dhawaan  Ciidamada AMSIOM way  ka baxayaan Stadium Muqdisho, laakiin maku dhihi karo waqtigaas saxda ah ayay ka guurayaan.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM Joe Kibet oo warbaahinta la hadlay.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya uu horkacayay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaliya Max’ed Cabdullahi Xasan Nuux oo dhawaan kormeer ku tagay Garoonka Muqdisho Stadium ayaa sheegay In Garoonka uu Muhiin u yahay Cayaartoyda Soomaaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here