Al-shabaab oo Gowracay Ninkii Fududeeyay Duqayntii Lagu Dilay Amiirkii hore ee Al Shabaab Axmed Godane

0

Xarakada Al-shabaab ayaa xukuno toogasho iyo Gowrac waxa ay ku fuliyeen 4-nin oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen basaasiin la shaqeyn jirey Dowladaha Soomaliya, Mareykanka, iyo Kenya.

Xukunkan, ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Buulo Fuulaay ee Gobolka Baay, waxaana dadka deegaanka lagu amray in ay isugu soo baxaan goobtii ay Shabaabku qorsheeyen in lagu dilo raggaasi.

Afarta nin ee la xukumay, ayaa waxay kala yihiin Xasan Diiriye Cismaan 42 jir, Xuseen Nuunow Nageeye 36 jir, Muxudiin Hiraab Axmed 27 jir iyo Maxamed Aadan Nuur Xasan oo ahaa 26 jir.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab waxaa uu sheegay Maxamed Aadan Nuur Xasan in uu la shaqaynayay CID-da Mareykanka, isla-markaana uu fududeeyay duqayntii lagu dilay Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Godane.

Sidoo kale qaadiga Maxkamada Al-shabaab ee Gobolka Baay ayaa ku eedeeyay Muxudiin Hiraab Axmed in uu la shaqeynayay Dowlada Mareykanka islamarkaana uu ka shaqeynayay siduu xogag uu kaga heli lahaa Mas’uuliyiintii ka dambeeyay weerarkii Westgade Moll ee dalka Kenya oo dhacay sanadkii 2013-kii.

Xuseen Nuunow Nageeye iyo Xasan Diiriye Cismaan, ayaa isna lagu eedeeyay in ay la shaqeynay Sirdoonka Dowladaha Soomaliya iyo Kenya islamarkaana ay bixinayeen xogaha Hogaanka Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here