Al-shabaab oo Weeraray Saldhig Ku Yaalla Deegaanka Halgan+Qaraxyo iyo Rasaas wali Socota.

0

Wararka Saaka laga helayo deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa Kusoo Waramaya in Saaka Ciidamo ka tirsan Kuwa Al-shabaab ay weerar isugu jira mid toosa iyo Waliba ismiidaamin ay ku qaadeen Fariisin Ciidanka Ethoipia ay ku lahaayeen deegaanka Halgal ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamo Taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar dhawr jiho ka bilowday ay kula jarmaadeen Saldhigku yaalla halkaasi oo ay maamulaan Ciidamada Ethoipia ee qaybta ka ah AMISOM-ta Joogta Gobolka Hiiraan.

Waxaa lagusoo waramayaa inuu jiro Qasaare isugu Jira dhimasho iyo dhaawac iyo Waliba burbur hantiyadeed oo goobta ka dhacay waloow wali uusan tirakoobneyn.

Wariyaha Idaacadda Simba ee Gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamed Ibraahim ayaa sheegaya in wali dagaalku uu socdo lana maqlayo dhawaqa rasaas xooggan oo wali ka dhacaysa Saldhigga ay shabaabku weerareen eek u yaalla deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolkaasi oo aan xiriirro kala duwan la sameenayna way ka gaabsadeen in wax faahfaahin ah ay k bixiyaan weerarkan Saaka ka dhacay deegaanka Halgan.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Ethiopia ee Saaka Weerarka lagu qaaday iyana kamaysan hadlin Weerarkan wali.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here