Wararka caawa naga soo gaaraya Woqooyi Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay xiligii salaada Maqrib Gudaha Magaaladaas ay ku dileen Gudoomiyihii Haweenka Gobolka Mudug .
Ala Ha U Naxariistee Dhudi yuusuf Jiire oo aheyd Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa la sheegay in raga Hubeysan ay toogteen xiligii salaada Maqrib lagu jiray sida uu kusoo waramaayo Wariye C/laahi yarre oo ku sugan Magalada gaalkacyo.
Kooxda Hubeysneed ayaa la sheegay in ay ku dileen Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug gurigeeda oo ku yaala Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Mudug aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay dilka Gudoomiyaha, waxayna sheegeen in dilka uu ka dambeeyay nin dhawaan ay iyada xirtay balse markii dambe xabsiga laga sii daayay.

