Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Masar oo si Deg Deg ah ugu Degatay Dalka Uzbekistan

0

Diyaarada Egypt Air oo kusii jeeday dalka Shiinaha ayaa waxaa ay si dedg deg ah ugu degtay Garoon ku yaala dalka Uzbekistan maanta oo Arbaca ah ka gadaal markii ay heshay digniin ah in diyaarada waxyaabo qarxa ay saaranyihiin.

Saraakiil u hadashay Shirkada diyaaradaha ee dalka masar ayaa sheegay  in digniintaas ay diyaaradu heshay ay markii dambe noqotay mid been ah, sidoo kalana waxaa ay sheegeen in diyaarada ay saarnaayeen 118 rakaab ah kuwaas oo markii diyaaradu ay degatay labaaray dhamaantood wax qarxana aan laga helin.

Saraakiishaan ayaa waxa ay tilmaameen in diyaarado ay sii wadan doonto safarkeeda maadaama digniinta la helay ee qaraxa ku aadaneed ay aheed mid been ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here