Kooxo hubeysan ayaa Weerar ku qaaday Gaari Kaarib ahaa oo ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan Kuwa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo marayay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.
Raga Hubeysan ayaa rasaas ku furey Gaariga ay la socdeen Ciidamada waxaana ku dhintay rasaastaas 2-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada halka 3-kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo gabi ahaanba saarnaa gaariga la waararay.
Kooxdii Hubeysneed ayaa falka kadib goobta ka baxsatay waxaana durbadiiba soo gaaray Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Heliwaa kuwaasi oo goobta ka sameeyay hawlgal, mana jirto cid la sheegay in ay ku soo qabteen.
Habeen Hore ayay aheyd markii rag bistoolado ku hubeysnaa ay saddex qof oo rayid ahaa ku dhaawaceen Suuqa Degmada Heliwaa, Dadka la dhaawacay laba mid ihi waxay ahaayen laba nin oo wada dhashay.

