Madaxweyne Ordogan oo Isbitaalka ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii  Magaalada Istanbul+Sawirro

0

Madaxweynaha Dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdogan, ayaa isbitaalka ku booqday dadkii shalay ku dhaawacmay weerarkii gaariga  loo adeegsaday ee ka dhacay Bartamaha Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.

Madaxweynaha oo dhaawacyada ku booqday qolalka ay kaga sugan yihiin isbitaalka, ayaa ka wareystay xaaladooda caafimaadeed, waxaana uu u rajeeyay in si deg deg ah kaga soo kacaan dhaawacyada ka soo gaaray qaraxa.

Booqashada kadib Madaxweynaha Dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdogan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In dowlada ay gacanta kusoo dhigi doonto kuwii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.

“Weerarkan argagaxiso waxaa lagula kacay kuwii ammaanka masuulka ka ahaa, tani maaha wax la cafin karo, qiilna malaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Dhanka kale Laamaha amaanka dalka Turky-ga ayaa  sheegay in ay dad usoo qabteen qaraxii shalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.

Wakaaladda Wararka Turkiga (Anadolu), ayaa qortay in laamaha ammaanku ay qaraxan u soo qabteen afar nin, oo looga shakisan yahay in ay wax ka ogaayeen qaraxaasi.

1465354434d97a8 1465354437afbb6 14653544314fb7d 14653544353832d 14653544362930e 146535443674540

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here