Booliska AMISOM oo Ka Qeyb Qaadanaya Xaqiijinta Amaanka Magaalada Muqdisho

0

Booliska AMISOM ayaa sheegay in Magaalada Mogadisho  ay soo gaareen Saraakiil si ay u xoojiyaan Amniga Magaalada inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Saraakiishaan  ayaa waxa ay la Shaqayn doonaan Saraakiisha Booliska Somaliya si loo xaqiijiyo in Bulshadu ay hawl maalmeed kooda u wataan si caadi ah  oo wax dhibaata ah aan la kulmin sida  AMISOM ay Sheegeen.

Saraakiishaan ka socta Booliska AMISOM ayaa waxa ay ka kooban yihiin Booliska Magaciisa loosoo gaabiyo FPUS kuwaas oo ka kala socda Wadamada Uganda iyo Nigeria, iyo Booliska loo yaqaano IPOS kuwaas oo sugitaan Ammaanka Magaalada Muqdisho kala qayb qaadan doona Booliska Somaliya.

Ciidamaan Booliska ayaa waxaa ay ka Hawlgali doonaan Xurumo muhiim ah isla markaana Istiraajiiji ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho si ay u adkeeyaan nabada inta lagu jiro Bisha Ramadaan.

AMISOM ayaa sheegtay in Ciidamadaan ay samayn doonaan Roondooyin sidoo kalana ay ka Hawgali doonaan jagboontiyo  cayiman, waxay sidoo kale ku tiirsanaan doonaan illo dhinaca Sirdoonka ah dhamaan Tilaabooyinkan oo dhan ayaa waxa lagu sheegay sidii Ammaanka Magaalada kor loogu qaadi lahaa loogana hortagilahaa in Weeraro ay ka geystaan Al-shabaab .

Bishii maarso ee  sanadkaan 2016-ka kulan ay siwada jir ah u qaateen Taliyaha Booliska AMISOM Anand Pillayiyo iyo dhigiisa Somaliya Mohamed Sheikh Hamud ayaa waxa ay isku soo qaadeen Qorshayaal dhinaca Ammaanka ah oo ay ugu talagaleen inta lagu jiro Bisha Ramadaan.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here