Madaxweyne Axmed Madoobe oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis u Xiran Dambiyo Fud-fudud+Dhageyso

0

Maxweynaha Maamulka Juba-land Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo  ee Gobolka Jubada Hoose ayaa cafis u fidiyay qaar kamid ah Maxaabista ku xiran Xabsiyada Maamulka Juba-land ee  ku eedeysan dambiyada Fud-Fudud.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  Madaxweynaha Maamulka Juba-land ayaa saraakiisha xabsiyada Maamulka Juba-land ugu baaqay in ay soo gudbiyaan Liiska dadka ku eedeysan dambiyada fudud si uu maamulka ugu ogolaado in ay ka qeyb qaataan Cibaadada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“Hadii ay jiraan Maxaabiis u baahan in la cafiyo oo kiisaskooda iska fudud yihiin waxaan rajeynayaa in Hay’adaha ku shaqada leh ay soo gudbiyaan si loo cafiyo  Bisha Ramadaan awgeed.” Ayuu yiri Axmed Madoobe oo Saxaafadda Kismayo kula hadlay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here