Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Maanta ku Wajahan Kenya

0

Wafdi balaaran oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in ay u amba-baxaan dalka Kenya.

Sababta ka dambeysa Safarka Madaxweynaha Soomaliya  ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay tahay arrimo ku saabsan  sidii Dowladda Kenya uu kala soo hadli lahaa arimaha Qaxootiga Soomaliyeed oo Kenya ay sheegtay in bisha Noverber ay dib u soo celin doonto.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo qayb ay ka yihiin xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa la filayaa wada hadal inay la soo yeeshaan madaxda Kenya.

Dowladda Somaliya ayaa shegtay inay dhowreyso heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhexmaray Dowladaha Somaliya, Kenya iyo UNHCR kaasi oo ku aadan in Qaxootiga lagu soo celiyo rabitaankooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here