Maamulka Ahlusuna  oo Beeniyay in  Shaqaaqad ay ka Dhacday Magaalada Dhuuso Mareeb+Dhageyso

0

Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusuna  Waljameeca oo  kulan ka yeeshay xalinta Xiisad ka dhalatay Gadood ay Sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna, ayaa beeniyay in shaqaaqad ay ka dhacay Magaaladaas.

Kulankaan oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ugu sareysa Maamulka Ahlusuna ayaa Diirada lagu saaray sidii loo soo Afjari lahaa Shaqaaqad qalqal dhanka Amaanka ah galisay Magaalada Dhuusa-mareeb  ka dib markii Ciidamo Hubeysan ay la Wareegeen Dhamaan Xarumaha Maamulka Ahlusuna.

Kulan Markuu  soo idlaaday ayaa Idaacada Simba waxaa ugu warbixiyey Madaxa Amniga ee Magaalada Dhuusa-mareeb Mudane C/qaadir waxa uuna Xusay in kulanka ay Madaxa ay wax iskaga Weydiinayeen Arimaha Amaanka iyo Nabag-galyada Magaalada Dhuuso-mareeb oo Xarun u ah Maamulka Ahalusuna Waljameeca.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamo gadood sameeyay ay la wareegeen Guud ahaan Xarumaha Magaalada Dhuuso  ee Xarunta Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here