Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa Gudaha Degmada Dharnkinley waxa ay ku dileen Mid ka mid ahaa shaqaalaha ka hawlgala Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Maxamed Sabriye, oo kamid ahaa shaqaalaha ka howlgala Golaha Shacabka ayaa lagu dilay xaafadda Ceeldheer, ee degmada Dharkinley xilli uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masaajidka Al Khaliil oo xaafadaasi ku yaala.
Ragii ka dambeeyay dilka Marxuun Salaad Maxamed Sabriye ayaa goobta ka baxsaday waxaa durbadiiba goobta dilka soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo sameeyay baaritaano lagu baadi goobayay raggii ka dambeeyay falkaan.
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida howl wadeen ka tirsan shaqaallaha xarunta Golaha Shacabka oo fiidnimadii caawa ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.
“ugu horeyn aniga oo ku hadlaya magaceyga Guddoonka Golaha Shacabka, magaceyga iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka doonayaa inaan tacsi u diro ehellada,carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Salaad Maxamed Sabriye oo ka tirsanaa howl wadeennada ka howlgala xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryeynaa in naxariistiisa jano uu siiyo gacan ka gardaran ayaa dishay maruuxka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

