Akhriso:-Taliska Hay’ada NISA oo War Kasoo Saaray Dilkii Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsan Gaashaan-dhigga

0

War-saxaafadeed kasoo Baxay Taliska Sare ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay idaacada Simba  ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn dhinaca Cirka ah oo habeenkii  Axadda ay taariikhdu ku beegneyd 28-kii May 2016 lagu diley sargaalkii ugu muhiimsanaa Al-shabaab , Ahna sarkaalkii u qaabilsan dhinaca Gaashaan- dhigga,

Yuusuf waxaa lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka  Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ah saldhigga ugu wayn Al-shabaab labadii sanno ee lasoo dhaafay, xilli uu markaas kasoo baxay kulan uu la lahaa golaha fulinta Al-shabaab, oo lagu kala qaatay qorshaha weerarada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo kuwa kale oo ay damacsanayeen in la fuliyo xiliga lagu guda jiro doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.

C/laahi C/shakuur Jimcaale, waxaa kaloo loo yaqaanaa Yuusuf Xaaji iyo Macalin Daa’uud, Da’diisu Qiyaastii waa 38-40 sano jir,  waxuu lahaa 3 Xaas iyo 11 Caruur ah, waxaa la dhashay oo Al-shabaab ka mid ahaa Maxamed C/shakuur Jimaale oo lagu Diley Dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

Yuusuf Xaaji oo ah Magaca looga yaqaano Gudaha Al-shabaab,waxaa uu muddo dheer ahaa sargaalkii dhinaca Milatariga  u qaabilsan, waxaa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa Jabhadaha Dagaalama kuwooda Guud iyo kuwa gaarka ah, isagoo sidoo kale maamuli jirey inta badan lacagta soo gasha Al-shabaab, oo badankeeda lagu bixin jirey Dagaalada.

War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  Tan iyo markii uu geeriyooday hogaamiyihii al-shabaab Axmed Cabdi Gudane, uu Macalin Daa’ud  ujanjeerey xaga Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee Aminiyaadku Fuliyaan,Hogaankana uu qabtay Axmed Diireye (Abuu-Cubeyda) oo ah Nin ujanjeera Dhinaca Jabhadaha Dagaalama, Geestana Weerarada Abaabulan,

Hey’adda NISA, ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay Weeraro raad reebay Sida weeraradii Leego,Janaale, Ceel-cadde,Laantabuure, Ruun-nirgood ,Puntland iyo Galmudug, maadaama Jabhada Hubeysan Dhammaantood ay isaga Hoosyimaadaan.

War-saxaafadeedkan Waxaa ku saxiixan Taliyaha Hey’adda NISA Gen C.raxmaan Maxamed Tuuryare.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here