Daawo Sawirada:-Wararkii ugu Dambeeyay Weerarkii Hoteelka Ambassador Hotel ee Magaalada Muqdisho

0

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa Gudaha Ambassador Hotel, ee Magaalda Muqdisho oo galabta casir liiqii ay weerar qaraxyo loo adeegsaday ay ku qaadeen ciidamo ka Tirsan Kuwa xarakada Al-shabaab.

Ilaa iyo 10-ruux oo isugu jira dad shacab iyo ragii ka tirsanaa Al-shabab ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Gudaha Hoteelka Ambassador, ee Magaalada Muqdisho kadib markii raga hubeysan ay Gudaha u galeen Hoteelka.

Dhanka kale Dowlada soomaliya ayaa shaacisay in Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada in laga soo badbaadiyay Gudaha Hoteelka kadib markii ay Hoteelka Gudaha u galeen Ciidamada Gaashaan oo goobta gaaray weerarka Kadib.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa kamid ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo qaba dhawac fudud oo kasoo gaaray Lugta iyo xubno xildhibaanna ah kuwaas oo mid yihiin Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi Xildhibaan Max’ed Cumar Macloow C/laahi Dayib iyo Max’ed Xirsi Ducaale.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ay geeriyoodeen ilaa 2 xildhibaan oo kala ah Xildhibaan C/laahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Max’uud Max’ed Guure oo ka mid ahaa Xildhibaannada Barlamakanka Soomaaliya.

1464811578a3411 1464811584a5cd1 1464811585ece0f 1464811586d71a4 14648115761b94f 14648115799aeac 146481157754b9f 146481158050b19 1464811582359d4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here