Wasiirka Warfaafintaa Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo si toos ah uga hadlayey Telefishinka Qaranka, ayaa sheegay in ay Xukuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi Shabaabku gallinkii dambe ee Galabta ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho isla markaana ay aad uga xun tahay dowladdu weeraradaasi oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa sheegay in Weerarka ay ka hortageen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay goobta uu weerarku ka dhacay ka ag dhawaa islamarkaana ay ciidanku fashiliyeen weerarka uusan u dhicin sidii ay ugu talagaleen kooxihii weerarka qaaday.
Waxaa uu intaa ku daray in Weerarkaan shabaabku ay kaga aargudanayaan Shacabka Soomaaliyeed kadib markii looga dilay saraakiil sarsare oo iyaga ka tirsan Duqeymo ka dhacay Gobolada dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in aysan u dulqaadandoonin dhibaatada ay shabaab ay ka wadaan dalka dhawaanna jawaab ay ka bixindoonto qaraxyada lala eeganayo goobaha ay shacabku ku badanyihiin.
Dhanka kale ciidamada ammaanka dowladda ayaa wali ku howlan sidii loo soo gabagabeyn lahaa weerarka ay Shabaab ku galeen Hotelka AmbassadorWaxaana wali meelaha qaar laga maqlayaa rasaas toos ah oo ay is wiidaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo Waliba Shabaabkii weerarka Fuliyey ee la sheegay in ahy gudaha u galeen hotelka.

