War Rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay ka dambeeyeen Weerarkii Abaabulnaa ee galabta lagu qaaday Hoteelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in mid ka mid ah dagaalyahanadooda oo gaari kaxeynaayay uu isku qarxiyay Afafka hore ee Hotelka Ambassador ka dibna ay rag hubeysan xoog ku galeen hotelka oo ay la wareegeen.
Hogaanka Al-shabaab ma aysan shaacinin tirada ay ku dileen weerarkii gaariga loo adeegaday ee galabta lagu qaaday Hoteelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

