Feysal Cali Waraabe“Anaga Waxaan Nahay Dal Gaar ah Wax Xubno ah uguma Baahnin Dowlada Soomaliya.”+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somali-land Injineer Feysal Cali Waraabe oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shirka Hanaanka doorashooyinka loogu hadlaayo iyo doorka Somali-land ay ku yeelan doonto doorashooyinka Soomaliya ka Dhacaya Sanadkaan 2016-ka.

Siyaasi Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirarka loogu hadlaayo Hanaanka Doorashooyinka ee Muqdisho ka socda in ay yihiin kuwa ay wataan shaqsiyaad gaar ah isla markaana  dadka qaar lagu xaqiraayo jiritaankooda.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somali-land Feysal Cali Waraabe oo la weydiiyay su’aal ku aadan xubnaha Maamulka Soomali-land  laga siiyay Aqalka sare Baarlamanka soo socda ayaa sheegay in wax xubno ah uusan u baahneen maamulka soomali-land islamaarkaana aysan jirin ergo matalaysa Soomali-land oo ku sugan Magaalada Muqdisho

“Anaga waxaan nahay Dal Gaar ah  wax xubno ah uguma baahnin Dowlada Soomaliya, soomaliya waxaa af-duubtay shaqsiyaad gaar ah oo sidii ay rabaan ka yeelanaya ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Shirarka Loogu Hadlaayo Hanaanka Doorashooyinka ayaa waxaa kamid ah qodobada la isku mar la’yahay xubnaha aqalka sare oo loo badiyay Maamulada Puntland iyo Soomali-land iyo Gobolka Banaadir oo xubno ku weysan Aqalka sare.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here