Golaha Wasiirada Cusub ee dalka Turky-ga ayaa kulankii ugu horeeyay ay yeeshteen waxa ay ku ansixiyeen lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaana isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.
War maanta lagu qoray Wargeyska Dowlada Turky-ga warka u baahiya ayaa lagu sheegay in deeqdaan lacagta in loogu talagalay in lagu kaabo misaaniyada dowlada Somaliya iyo adeegyada hay’adaheeda, iyadoo loo siinayaa Somaaliya si qeyb qeyb ah.
Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar la siinayo Soomaaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaareen.
Dowlada Turky-ga ayaa kamid ah dowlada inta badan Taageera Dowlada soomaliya, Todobaadkaan waxaa sidoo kale Dekadda Muqdisho kusoo xirtay Markab siday shixnad gar-gaar oo loogu talagalay dadka Soomaliyeed.

