Mas’uuliyiin Maanta Kormeer ku Tagay Goobaha ay ka Socdaan Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare+Dhageyso

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaliya iyo Marwada Madaxweynaha Soomaliya ayaa maanta kormeer ku Tagay Goobaha ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan qaadista Imtixaanka Shahaadiga waxaana kamid ahaa Goobaha ay kormeereen, Iskuulka Shiikh Xasan Barsame, iyo iskuulaad kale oo lagu qaadayo imtixaanka Shahaadiga Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaliya.

Ugu Horeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo Hogaaminayay Mas’uuliyiinta Kormeerka sameenayay ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay aad ugu faraxsan tahay in dhamaan Ardeyda Soomaliyeed ay hal mar u fadhiistaan imtixaanka Shahaadiga wuxuuna arintaas ku amaanay wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaliya.

“Xukuumada Soomaliya waxa ay aad ugu Faraxsan tahay dadaalada Guuleystay ay sameysay Wasaarada Waxbarashada Soomaliya oo sanadkii Labaad ku guuleysatay qaadista Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Koonfurta iyo Bartamaha Sooamliya ayuu Yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaliya.

Dhanka kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliyeed Marwo  Sahro ayaa dhankeeda Amaan usoo jeedisay Guddiga Imtixaanka Wasaarada Waxbarshada qaabkey ay u nidaamiyeen Imtixaanka iyadoo sidoo Kale guul u rajeeysay Dhamaan Ardeyda Galaysa Imtixaanka Shahaadiga Dusgiyada Sare.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here