Maleeshiyaad Hubeysan oo Dab Qabadsiiyay Xaafado ku Yaalo Deegaanka Shalanbood +Dhageyso

0

Wararka saakay ka Imaanaya Deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaad Hubeysan ay dab qabad siiyeen Saqdii dhexe ee Xalay Xaafado ku yaala Deegaankaas.

Qof kamid ah dadka deegaanka Shalanbood oo Saakay la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tiro guryo ah oo ku yaalay deegaanka Shalanbood in dab la qabad siiyay iyadoo intooda badan ay gubteen.

“Xalay saqdii dhexe Maleeshiyaad hubeysan ayaa dab qabad siiyay tiro guryo ah ay laaheeyeen dad shacab ah qasaaro ayaa ka dhashay dabkaas ayuu idaacada simba u sheegay goob-joogaha ku sugan deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Maamulka Deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha hoose ayay kaga gaabsadeen in ay kaga hadlaan arintaan Xalay seqdii dhexe ka dhacday Deegaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii xabad Joojin  la sheegay in la kala dhex dhigay Labo maleeshiyo beeleed oo mudooyinkii dambe ku dagaalamay deegaano hoos yimaada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here