Dab xoogan oo ka kacay Xarunta Cusub ee Degmada Kaxda+Dhageyso

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa Sheegaya in dab xoogan oo maqribnimadii Caawa uu ka kacay xarunta Cusub ee degmadaas.

Nabadoon Maxamed ismaaciil C/laahi oo kamid ah nabadoonada degmada Kaxda ayaa idaacada simba kaga warbixiyay Dabka caawa ka kacay  xarunta Cusub ee Degmada iyo qasaaraha  ka dhashay.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliye Gen Mukhtaar Xasan Afrax oo la hadlay warbaanhinta ayaa sheegay in dabku aanu dhalin qasaare nafeed balse uu baabi’iyay 3 xafiis iyo mid kamid ah hoolalka shirarka degmada.

Gen Mukhtaar Xasan Afrax waxa uu sidoo kale sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay daminta dabka xalay ka kacay xarunta Cusub ee degmada Kahda ee Gobolka banaadir oo dhawaan la dhisay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here