Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa Ansixiyay laba bilood oo dheerad ah oo lagu kordhinayo hawlgalka Midowga Africa ee Somalia ka socda.
15 xubnood oo uu ka koobanyahay Golaha Ammaanka ee Qm ayaa sidawajir ah u ogolaaday waqti kordhintaan kagadaal markii xubno kasocda golaha ay booqasho ku yimaadeen magaalada Muqdisho.
Ayadoo la eegayo qaraarkaan kasoo baxay Qm,waxaa goluhu ay garwaaqsadeen muhiimada ay leedahay watashi ay laqaateen dadka saamaynta ku leh Somalia dhowaan booqasho ay ku tageen Somalia,waxaan goluhu ay meel mariyeen in ciidamada ka socda Midowga Africa ee Somalia ku sugan ay sii joogaan illaa iyo 8 July 2016.
Golaha Ammaanka QM ayaa sidoo kale ka codsaday xoghayaha guud ee QM BanKi-moon in uu siiwado taageerada dhinaca logistic-ka ah ee lagu Ansixiyay qaraarka tirsigiisu uu yahay 2245 ee soo baxay sanadkii 2015-kii.
Fariinta Golaha Ammaanka QM waa mid iska cad,bulshada caalamku waxa ay siweyn usugaysaa doorashada August ee 2016 wax walba oo macquul ahna waa lagu taageeri doonaa sidii ay u qabsoomi leheed doorashadu sidaasna waxaa yiri wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaliya.

