Dhageyso:-Maamulka Galmudug oo ku Hanjabay in Talaabo Sharciga Waafaqsan laga  Qaadi doono Cidii Abuurta Dagaal Beeleedyo

0

Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay in uu heshiis kala dhex dhigo labo beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaano u dhexeeya Baxdo iyo qeydaro oo hoos yimaada Galmudug.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Socdaal) oo heshiiska kadib  la hadlay idaacada Simba  ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu talaabo sharciga waafqsan ka qaadi doono cid walba oo abuurta dagaalo beeleed mar kale ka dhaca deegaano hoos yimaada Galmudug.

Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay odoyaasha dhaqanka deeganada Galmudug sida ay ugu istaageen xalinta dagaalo beeleedka maalmihii dambe ka socday deegaanada Baxdo iyo qeydaro.

“Cid walba oo ka  abuurta dagaal beeleed deegaanada maamulka Galmudug,  maamulku  waxa uu ka qaadi doonaa Talaabo sharciga waafaqsan  ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Socdaal) waxa uu dhanka kale tilmaamay in maamulka uu dajiyay hab lagu heshiisiinayo beelaha wada daga deeganada maamulka Galmudug oo dagaalka mudada badan uu ka dhaxeeyay.

Dhawaan ayay aheyd markii wafdi isugu jira wasiiro, iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ay gaareen deegaano u dhexeeya Baxdo iyo qeydaro oo dhawaan ay ku dagaalamayeen labo meleeshiyo beeleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here