Hay’adda Lacagta Aduunka oo Sheegtay in ay Bilaabayso Barnaamijyo ay ku Caawinayso Dib u Dhiska Somalia

0

War kasoo baxay Xafiiska IMF ayaa lagu sheegay in Somaliyaa ay si tartiib tartiib ah uga soo kabsanayso dagaal sokeeyo oo daashaday muddo 25 sano ah, hay’ado  iyo dawlado aan awood lahayn oo dalka somaray  iyo caqabada kale oo badan oo cuuryaamiyay amaanka ,dhaqaalaha, iyo dib u dhiska dalka.

IMF ayaa tilmaamtay in ay ogolaatay codsi kaga yimid xukuumada Somaliya kaasi oo ku aadana soo nolaynta dhaqaalaha, dib u dhiska, hay adaha dawlada iyo hormarinta maamul wanaaga.

Taageerida Arrimaha u baahan farsamada ayay sheegtay in IMF  ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee Somaliya ay ka caawinayso, sida in ay isku dheelitirto miisaaniyada dawlada Qarashaadka soo gala iyo midka ka baxaya.

Waxyaabaha kale ee hay’adaan ay sheegtay in Somaliya ku taageerayso ayaa waxaa ka mid ah dib u habaynta lacagta Xoojinta qaababka lagula dagaalamayo lunsiga lacagaha iyo maalgelinta argagixisada.

IMF ayaa Dawlada Somaliya ee hadda jirta si rasmi ah u aqoonsatay 2013-kii kadib markii somaliya ay ka baxday kmg-ka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here