Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa ruux rayid ah ku dilay Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in Askariga uu damacsanaa in uu kala ceyriyo Dhalinyaro badan oo ku sugnaa Garoon kubada cagta Lagu Ciyaaro taasi oo keentay in xabad kamid ah xabadihii uu ridey in ay ku dhacdo Wiil Daawanayay Ciyaarta oo markii dambe ku geeiyootay isbitaal loola cararay,
“Askariga waxa uu kamid ahaaa ilaalada Garoon kubada Cagta lagu daawanayay, waxa uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo Wiil yar intaas kadib xabad uu ridey Askariga ayaa haleeshay wiil Dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa Goobta ayay tiri Goob-joogaha.
Dhanka kale Maamulka Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuldareystay soo qabashada Askariga dilka geystay waxaa wali jira baaritaano ay sameenayaan Ciidamada Dowlada Soomaliya.

